Monday, January 15, 2018

Abwaan jaamac nuux : gabaygii alifbeeto (alif ilaa ya)

Tixdaan waa tix waano, wacdi iyo wax u sheeg ay ku dhantahay waana tix abwaanku talo iyo tusaalaynba ugu soo bandhigay bulshawaynta xikmad badana sidaad ka dheehan kartid waa ay ka buuxdaa
Waxaana uu abwaanku ka bilaabay kuna dhameeyay xarfaha alifbeetada Alif ilaa ya

Akhris wacan

1.Umadyahay aduunyadatan aan ku ijtihaadayno
2.aakhiro xasuusteeda waxaa noogu filan aamin
3.intaan aragnay ama aasnay iyo aayadaha diinta

4. Alif yeen islaanimada waalagu adkaadaaye
5.afka lagama sheegtee qalbigaa Laga ahaadaaye
6.ashahaata aadnow Ma jiro aabi iyo xooge

7.ba'i teen xantiyo beentu waa balalkii naareede
8.hadii Aadan naftaada uga baqin cadaw ku boobaaya
9.ama Aadan ku kala  baarin Meel laysku baa'bayo

10.tai teen tukada aakhiraad Wada tagaysaane
11.anaa kaa tol roon iyo Ma jiro tun isu taagaane
12.intaad eebe tala saarataan toobada adkaysta

13.sa iteen sakada dhiiba oo Sooma ramadaanka
14.sadaqada La Baxa aakhiraad sahayan doontaane
15.sabur yeesha ruuxii samraa hela sadkiisiiye

16.jiin yeen jilbaybtiyo xajkii jiriya oo aada
17.jiscin iyo haddii aad heshaan guriga maal jooga
18.maalintay jihaad taagantahay jiida hore aada

19.xa I teen xisaab aakhiroo xoog leh baa imane
20.xaq iyo baadil waxaad gaysataa La xakumaayaaye
21.qiyaamihii xasuusnoow intaad qolo xakaaraysid

22.khaa teen ninkii khaainaa khayr Ma uu helo
23.naftiisow khalwaysoo ibliis baa u khaadima
24.isagoo khabaar mooga baa khalaf La siiya

25.deel yeen waxaa loo darboo dunida loo taagay
26.imtixaanka waxaa loo dul dhigay idinka diimoone
27.labadaa dariiq kaad Martaa daar ku leedahay

28.daal yeen ninkii daacadoo diinta fidinaaya
29.iyo kii iblays duufsadoo xaqa daboolaaya
30.nin waliba diwaankuu dhigtuu dib ugu aaya

31.raa teen rasuulkiyo aliyo raaca nabigiina
32.rabigay intaad kacabsataan raaca amarkiisa
33.ha ridoobinina naarta waalagu rafaadaaye

34.sai teen saliga nabiga waalagu sugnaadaaye
35.hadii uu qalbigu saafi yahay eebe solon siiyay
36.sariyo hoos sidii loo dhigaba waalaguu sixine

37.siin yeen safiinaha ninkaan dhab ula saanqaadin
38.ama aan wadaadada suaal Saxa ka waydiinin
39.salaadiisa waxa loo baqaa inuu wax seereeyo

40.shiin yeen shakigu waa iblays shuquladiisiiye
41.shido iyo dhibuu kugu furaa shaamareer badan
42.war shiid Kala hortaga naarta yuu idinku shaadayne

43.saad yeen sabool iyo ninkii xoolo badan soofshay
44.ninba eebe wuxuu siiyo buu sahayanaayaaye
45.sabur yeesha imaanka waalagu sugnaadaaye

46.laan yeen lixaadkiyo qalbigaa Laga laciifaaye
47.kuwa lowga dhiganaaya oo laabi kariwaayay
48.lugo looma waayine kuwaa ladan haloo sheego

49. do i teen dikriga eebe waalagu dadaalaaye
50.adaa khayr damcaayee ilaah Kaama rabo deeqe
51.nin walboow naftaada u dadaal waalaguu digaye

52.da i teen ninkii dollar iyo duunyo badan haysta
53.isagoo dubiya baa qalbiga lagu daguugaaye
54.inaan dunida lagu waarihayn dadoow xasuusnaada

55.cayn yeen ciyaar looma dhalin curadadeenaase
56.hadduu caasiyahay waalidkii camandulaynaayay
57.wuxuu camal faalaayoo dhan waalaga cilaalaaye

58.qayn yeen qaraabiyo agoon Adiga kuu qaasa
59.adoo quudin Kara oo waxow qabata aan waayin
60.gaajiyo hadii ay qadaan waalaguu qabane

61.qaaf yeen qofkeenii qof dila amase qoon gaysta
62.qisaastiisa duulkii lahaa amase qoontiisa
63.iyadaan war Laga qaadin baad Kala qorshaysaaye

64.fa i teen fudayd waa iblays ficiladiisiiye
65.haddii aadan fakarin taladu waa kaa fashilantaaye
66.war wixii aad falaysaan tashiga dhab ugu faaleeya

67.kaaf yeen kulayl iyo qabow eebe wuxu keenay
68.rabi inaad La kaalmaysatoo koroto mooyaane
69.karhashiyo maxaa keenay waa Xaal kidaabnimo

70.laanyeen Hadaan ladanatahoo lacagi kuu buuxdo
71.kuwa Liita gaajada hadaad luun karidi waydo
72.ogoobeey lamaanaha nabsigu laasim waa imane

73.miin yeen hadaad madax tahoo Meesha lagu geeyay
74.mandaqadaa lagaa doortay iyo waxa ku meegaaran
75.masuul baad ka tahay uumiyaha meeriskaa daga e

76.nuun yeen nasiiniyo aduun naalo Wayn maleh
77.waa nolol lasoo gaabiyaan nacas dareemayne
78.naftiina u arxama aakhiraa lagu nagaadaaye

79.wow yeen walaalaha midkii waliga kuu heelan
80.hays Oran war moogoow Kanaa waaridkaa dhalaye
81.war inta kale siduu kaasu wado kula walaalooba

82.haa teen dadow waxaad hubtiyo waxaa hilmaamaysid
83.oo aadan haab keeda hayn horayna loo sheegay
84.waala hal oo kala fogaan haab isku lahayn

85.yaa teen yaboohiyo xaquu eebe yiri yeela
86.hadii aad yabaashoo iblays maqashid yeedhiisa
87.jahanama in Laga yuusayaan helay yaqiintii

88.afartaa ya iyo wowga iyo yool maka hingaadshay
89.ma yagleelay maansada intaa alif ka yaal raacay
90.mar hadaan yaqiintii ku xiray Yeela ama diida