Monday, January 15, 2018

Abwaan jaamac nuux : gabaygii alifbeeto (alif ilaa ya)

Tixdaan waa tix waano, wacdi iyo wax u sheeg ay ku dhantahay waana tix abwaanku talo iyo tusaalaynba ugu soo bandhigay bulshawaynta xikmad badana sidaad ka dheehan kartid waa ay ka buuxdaa
Waxaana uu abwaanku ka bilaabay kuna dhameeyay xarfaha alifbeetada Alif ilaa ya

Akhris wacan

1.Umadyahay aduunyadatan aan ku ijtihaadayno
2.aakhiro xasuusteeda waxaa noogu filan aamin
3.intaan aragnay ama aasnay iyo aayadaha diinta

4. Alif yeen islaanimada waalagu adkaadaaye
5.afka lagama sheegtee qalbigaa Laga ahaadaaye
6.ashahaata aadnow Ma jiro aabi iyo xooge

7.ba'i teen xantiyo beentu waa balalkii naareede
8.hadii Aadan naftaada uga baqin cadaw ku boobaaya
9.ama Aadan ku kala  baarin Meel laysku baa'bayo

10.tai teen tukada aakhiraad Wada tagaysaane
11.anaa kaa tol roon iyo Ma jiro tun isu taagaane
12.intaad eebe tala saarataan toobada adkaysta

13.sa iteen sakada dhiiba oo Sooma ramadaanka
14.sadaqada La Baxa aakhiraad sahayan doontaane
15.sabur yeesha ruuxii samraa hela sadkiisiiye

16.jiin yeen jilbaybtiyo xajkii jiriya oo aada
17.jiscin iyo haddii aad heshaan guriga maal jooga
18.maalintay jihaad taagantahay jiida hore aada

19.xa I teen xisaab aakhiroo xoog leh baa imane
20.xaq iyo baadil waxaad gaysataa La xakumaayaaye
21.qiyaamihii xasuusnoow intaad qolo xakaaraysid

22.khaa teen ninkii khaainaa khayr Ma uu helo
23.naftiisow khalwaysoo ibliis baa u khaadima
24.isagoo khabaar mooga baa khalaf La siiya

25.deel yeen waxaa loo darboo dunida loo taagay
26.imtixaanka waxaa loo dul dhigay idinka diimoone
27.labadaa dariiq kaad Martaa daar ku leedahay

28.daal yeen ninkii daacadoo diinta fidinaaya
29.iyo kii iblays duufsadoo xaqa daboolaaya
30.nin waliba diwaankuu dhigtuu dib ugu aaya

31.raa teen rasuulkiyo aliyo raaca nabigiina
32.rabigay intaad kacabsataan raaca amarkiisa
33.ha ridoobinina naarta waalagu rafaadaaye

34.sai teen saliga nabiga waalagu sugnaadaaye
35.hadii uu qalbigu saafi yahay eebe solon siiyay
36.sariyo hoos sidii loo dhigaba waalaguu sixine

37.siin yeen safiinaha ninkaan dhab ula saanqaadin
38.ama aan wadaadada suaal Saxa ka waydiinin
39.salaadiisa waxa loo baqaa inuu wax seereeyo

40.shiin yeen shakigu waa iblays shuquladiisiiye
41.shido iyo dhibuu kugu furaa shaamareer badan
42.war shiid Kala hortaga naarta yuu idinku shaadayne

43.saad yeen sabool iyo ninkii xoolo badan soofshay
44.ninba eebe wuxuu siiyo buu sahayanaayaaye
45.sabur yeesha imaanka waalagu sugnaadaaye

46.laan yeen lixaadkiyo qalbigaa Laga laciifaaye
47.kuwa lowga dhiganaaya oo laabi kariwaayay
48.lugo looma waayine kuwaa ladan haloo sheego

49. do i teen dikriga eebe waalagu dadaalaaye
50.adaa khayr damcaayee ilaah Kaama rabo deeqe
51.nin walboow naftaada u dadaal waalaguu digaye

52.da i teen ninkii dollar iyo duunyo badan haysta
53.isagoo dubiya baa qalbiga lagu daguugaaye
54.inaan dunida lagu waarihayn dadoow xasuusnaada

55.cayn yeen ciyaar looma dhalin curadadeenaase
56.hadduu caasiyahay waalidkii camandulaynaayay
57.wuxuu camal faalaayoo dhan waalaga cilaalaaye

58.qayn yeen qaraabiyo agoon Adiga kuu qaasa
59.adoo quudin Kara oo waxow qabata aan waayin
60.gaajiyo hadii ay qadaan waalaguu qabane

61.qaaf yeen qofkeenii qof dila amase qoon gaysta
62.qisaastiisa duulkii lahaa amase qoontiisa
63.iyadaan war Laga qaadin baad Kala qorshaysaaye

64.fa i teen fudayd waa iblays ficiladiisiiye
65.haddii aadan fakarin taladu waa kaa fashilantaaye
66.war wixii aad falaysaan tashiga dhab ugu faaleeya

67.kaaf yeen kulayl iyo qabow eebe wuxu keenay
68.rabi inaad La kaalmaysatoo koroto mooyaane
69.karhashiyo maxaa keenay waa Xaal kidaabnimo

70.laanyeen Hadaan ladanatahoo lacagi kuu buuxdo
71.kuwa Liita gaajada hadaad luun karidi waydo
72.ogoobeey lamaanaha nabsigu laasim waa imane

73.miin yeen hadaad madax tahoo Meesha lagu geeyay
74.mandaqadaa lagaa doortay iyo waxa ku meegaaran
75.masuul baad ka tahay uumiyaha meeriskaa daga e

76.nuun yeen nasiiniyo aduun naalo Wayn maleh
77.waa nolol lasoo gaabiyaan nacas dareemayne
78.naftiina u arxama aakhiraa lagu nagaadaaye

79.wow yeen walaalaha midkii waliga kuu heelan
80.hays Oran war moogoow Kanaa waaridkaa dhalaye
81.war inta kale siduu kaasu wado kula walaalooba

82.haa teen dadow waxaad hubtiyo waxaa hilmaamaysid
83.oo aadan haab keeda hayn horayna loo sheegay
84.waala hal oo kala fogaan haab isku lahayn

85.yaa teen yaboohiyo xaquu eebe yiri yeela
86.hadii aad yabaashoo iblays maqashid yeedhiisa
87.jahanama in Laga yuusayaan helay yaqiintii

88.afartaa ya iyo wowga iyo yool maka hingaadshay
89.ma yagleelay maansada intaa alif ka yaal raacay
90.mar hadaan yaqiintii ku xiray Yeela ama diida

Friday, November 24, 2017

tix yar: maxamed jaamac qulqulaaf.

Gabaygan wuxuu tiriyay abwaanku
Waqti lala jeclaaday in uu guursado
Maadaama uu waqti badan doobnimo Ku gaaray

Gaarkaa waayahan waxa iiga yiil garan gartiisiiye
Guur waxan ku nacay waysagii ila gudboonaaye 
garan waayay oo gabdhihi laysku Soo galiye 
garba Saar xariiriyo lasii masar ganbool wayne
Goonbaar ma sheegine madii gayantay loo yeelye
Mid walbana gaduud beena bay guri lajoogtaye
Ana guriga maaan keeni karo gaban yar oo tuurleh

Waagii hore gabdhihu mida aan laqabin waa ay madax qaawanan jireeen mrka waayahaas baaa LA bilaabay in go iyo maryo kale qaataaan

Gabaygaan ma dhamaytirna.

FG:waxan ka helnay tixdan yar farax maxamed jama

Thursday, November 23, 2017

tix : aaboow aasaas gabay, abwaan c.qadir maxamed nuux


Gabaygaan waxaa tiriyay alle ha xafidee cabdiqaadir maxamed nuh(dhoonge) sababta uu Ku dhashayna waxaa ahyd in maxamed nuux (AUN) waa dhoonge aabihiise iyo asagu ay isku maandhaafeen in reer LA raro oo ay LA dagaan cidaha iyo in kale sidaas uu Ku taliyay c.qadir in rerka dhankaaga iyo tolka ay LA dhawaadaan ISNA garabsadaan arintaas oo uu maxamed nux ka so horjeestay diidayna gabaygaan ayuuna tiriyay abwaanku uu aabe kula talinayo inuu yeelo oo ayido arinka reerkana LA raro:

Aaboow asaas gabay hadaan kuu ag maro maanta
Ayaantaan wax oognaa hadaan aad u falanqeeyo
Adbase waad ogtahayoo aqoon baad u leedahay
Aaboow aduunyada rag ways agga marayaaye
Aaboow ninkii orah dhahaa LA ajalaayaaye
Aaboow waxay taagantahay yaad awood badane
Aaboow ninkii aakaloo aadmi kala raaca
Inkasto alaab culus watoo aarmi laga dhaanshay
Hadaan INA adeerkii arkayn waa ilmoo kale
Hadiise uu wax badan aamusoo aabi laga waayo
Oo uu aadaab badan yahoo dhul u uubujeeyo
Markuu geelu wada oomoo oo ugubku dhuu dhuubto
Oo aad aroor galiso ood oo aaranka u qaado
Waxasaad urursaba maalintaad irida ceel gayso
Uurayska gabanihii marku ubadka reebaayo
Adna kaalinkii aad tagtoo dhab u olkaysnayso
Mid adiga Ku doonaayaabaa ayro kaa dila e
Goortaad indhaha taabatood olol kasoo qaado
Intii uurka wada seexataa kuu alaab gurane
Adiga hareeraha markaad dhab u ilaalayso


markaad waydo wiil soo ordoo eheladaadiiya
Intuu uurku ciil kula go aad ududublaysaaye
Ushana kama duwana aakahaad agabka Moodaye



Aaboow INA ilma deeraday urur dhab weeyaane

Wixii awood leeyahaan LA agtagaayaaye
Dhex doodaan Ku oodanahayaa maalka oo idile
Meel kale hadaan aado way aqoon yariye
Uun kale ha aaminin talaan soo abaabulaye




Monday, November 20, 2017

silsiladii badd iyo bari, abwaan jaamac nuux

gabaygaan waxaa la yiraahdaa guddi waxaa uuna abwaan ku ugu garnaqay rag isku haystay gabar reer miyi ah oo badda usoo socdaashay kadib markii nin bada maaxa ah u faaninayay

inay soo laabato ayuu mid u sheegayay oo nimcada miyiga ayuu dhagaha ugu shubay iyo dhibaatada taal badda iyo xeebta ay maciinka biday

midka kalana waxaa uu lahaa oo doonayay inay joogto oo nimcada bada iyo xeebta ayuu u faaninayey dhibaatada miyiga ay kasoo tagtay taalayna waa xasuusinayay

gabaygaan abwaanku wuxuu ugu garnaqay labadaas nin wuxuuna kamid ahaa silsiladii bad iyo bari

gabay muunadiis waa inaad marin ku beegtaaye
madadaaladiis waa inaad madal ka sheegtaye
micnihiisu waa inuu cilmiga maanka ku hayaaye
sadexdaa midkii aan ahayn malaha maamuuse

meer meerka gaarigu hadduu kugula maansheeyo
adoo maqane jooga ah hadaad goolad soo mariso
oo aadan miisaami karin waa wax kaa maqane

maaraha shacayska ah ninkii wax is mahiibsiiya
iyo kii madfaca soo ridoo yeedha maqashiiya
midba wuxuu ka maanyaynayaa kuu markaa ridine

af libaax ninkii soo maraan lagu mahlaakaynin
oo yiri yaxaas miranayaan maqal kasoo laayay
shan maroodi inuu soo qabtuu maanka ku hayaaye

mir onkoday hilaac malaf yiroo dunida maansheeyay
miiraale roob oo arlada daadku mulacyeeyay
ninkii aan makaan adag lahayn dhaxani wow meel

wax kuu muuqanaayaa si kale loo matalayaaye
waxa mayrax laga diirayaa jiic maroorsamaye
mujtamacoo dhan baa waxa ku dhacay madax wareerka

musaawigaa iyo kaanbahaa kaasadii mariyay
macaantida badaa jiifta iyo lagama maarmaanka
meel kaliya kuma koobi karo kuman malaayiine
ninbase maamulkii uu bartuu magac ku yeeshaaye

marqaan gabadha joogtaad ku tiri mahado noo kaalay
mid iyo labo ma sheegine hadaan milicsadoo eegay
allaaba waa maslaxaday hesho iyo waxay macayshtaaye
hadii aysan meeshaa ku dhiman mahad ilaahay dheh

mallay baa baddaa laga gurtaa milicda jiilaale
oo shay macaan oo ilaah nooga dhigay miide
muddaase lagu bartaa ruux hadduu meel kasoo galo e
maaalmaha horeetaba haday muudsan kari waydo
inay maqasha kuu tuumisoo maalin kaa cararto
iyadoo madluun u eg inay magac kaa gayso
oo aysan muhanin baan maanka ku hayaaye.
muudaa miyaa tahay maxaa magacle kuu geeyay

meelaha kuwaa jooga iyo badaha miilkooda
marwo fiican baa kaga helaa muunadloo wacane
qaarbaa masayr galay markay maqashay giiskaah
iyadaan maciin ku bidaye gabar ka meelayso
maqsarna yay ku galin naag ka timi dhagaxii mooyaale
mayalkow adkee waa aduun meheradiisiiye

afartaa micnaayaye waxaan midig ka raacsiiyay

xoolaha magoolka ah hadaan mirar ma faaleeyo
abaar miratay jilaal mashraxa dunida maansheeyay
marti goor xun soconaysa iyo mudanihii haystay
mid hadii la qalo oo hilbaha miilka laga reebo
iyadoo maqsuuday hurdada wada murqaamaane
maraxii ka hara qaar kalaa maalintii cuna
maqaarkooda kaliyaa malyuun marar ka siistaaye

marse haddii meera dheeroow hayaan miigan lagu guuro
muusalaylka qaylada hadduu salowgu mooyaamo
maalin gaalku geedigu hadduu meelnah dagi waayo
mar baa la hojiyaa geel haddaad wadatid maantaane
maxastiyo caruurtii hadhaa muguc la siiyaaye
goortay magowshaanba way mahad naqayaane
magaalada hadaad soo gashoo maalmo badan joogtid
manfacaan aduunyada ku jirin malaha maamuuse
meel kaliya kuma koobi karo miida xoolaha e
matal waxaan usoo qaatay baa kuu marqaatiya e

afartaa micneeyaye waxaan midig ka raacsiiyay

ceelkii ma' wiya baa wadaan laga milaashaaye.
hashii maalistaada ogol baad murre la adaaye
madhayaca waxaa lala tagaa naag mardaafada e
mar haday magowsiga taqaan waa mashaqo wayne
haday meher la'aanta ogoshahay Wa mir kuma taale
marka horaba inaad raadisaa kuma macaanayne

dad dhanoo muftiyo shiikh leh iyo kuma maqaawiira
mid haddii la.......  oo si kale wax u malaynaysid
marduuf jaada oo kale sidii kuuma muudsado e
adiguba waxaad maqashay baad mooyi leedahaye
ka masuugay magacaas inaan madal ka sheegaaye
maraan saaray xaalkaa inaan meesha laga qaadin
maraan saaray gabaygaa inaan meesha laga qaadin

dhamaad.

gabay : dhalinyarada, abwaan jaamac nuux

Gabagaygaan wuxuu abwaan kula hadlayaa dhalin yarada


1 Dhalinyahay magaalada ku dhaqan dhuuxa hadalkayga 
2 u dhagyeesha oo gabaygu yuu sahal idiin dhaafin 
3 bal dhadhamiya taariikhdu way fiiro dheertahaye
4 dhadig iyo labood taladu waa idin dhextaalaaye
5 Nin waliba wuxuu horow dhaqduu dhaxal ka reebaaye 
6 Nina ari masoo dheelmo iyo dhogor yarrow geelle
7 Waxa aad ku dhididaysid waa dhigo tacliintaase


8 Dhar iskuul hadaad qaadatiyo maro dhalaalaysa
Waa inaad habeen iyo dharaar dhaga nuglaataaye 
10 Waa inaad duruustii ladhigay dhab u taqaanaaye
11 Hadalkaan dhadhamihayn dadkuu dhiilo galiyaaye
12 Waa inaad asluub dhawrsan iyo dhaqan lahaataye 
13 Waa inaad dhamaysaan dugsiga kan ugu dhaardheere
14 Ninah maalin kuma dheelmikaro dheeman iyo luule 
15 Waa inaad dhibaatada wakhtigaw dhabar adaygtaane
16 Waa inaad aqoonyahan dhaba oo dhiiran noqotaaye
17 Dugsi sare haddaad dhigatid ood dhaafi kariwaydid 
18 Dhaqaaluhu hadduu kugu yaryahay  dibada loo dhoofay 
19 Dhulka hooyo kii laga helaa lagu dhaqaaqaaye
20 Hadaydaan isdhigan waa uun baad ka dhaadhicine
21 Niyada ha iska dhumin waa aduun waxaad dhexjoogtaaye


22 Afartaa dhadda iyo wowga iyo dhii maka higaadshay 
23 Dhismihiisa meeshaan ku waday dhidibka maw taagay 
24 Dhalinyarada waxa dhowraya iyo dhaqankii maw sheegay 
25 Haddiise aan udhaadhaco waxay dhugatay laabtaydu


26 Dhalanteedka iyo beenta ay yurub ku dhoodayso
27 Tinta dhinaca laga xiiray oo fooda lagu dhaafay 
28 Dhaclahaa miskaha lagu xiray iyo caynka lagu dhuujay
29 Socodka iyo dhaqaaqa gacmaha laga dhugsiinaayo 
30 Dhaga faarka iyo yaabka iyo dhaqankan duugoobay
31 Diyaanadu dhibtay leedahay iyo tay na dhaxalsiisay 
32 Jirka dheeha laga qaadayoo laga dhamaynaayo
33 Dhaawacaa xubnaha gaaray iyo dhagarta loo gaystay 
34 Mar haduu difaacii is dhimo dhiigu waa halise 
35 Dharkayn iyo dhunkaal baa waxaan laga dharuuraaye
36 Dhacaan habartii caac weeye iyo dhagor ugaabdayse
37 Bahaluhuba way wada dhintaan kii dhadhamiyaaye 
38 Dhakhtarada aduunyada haddaan dhab ula sheekaystay
39 Ama aan u  dhuun galay cilmiga diinta laga dheehdo
40 Dhana kuma haboonoo kitaab dhigaya loo waaye
41 Haddaan la iska dhicin oo dagaal dhiiran lagu qaadin
42 Hidaheena iyo dhaqanka bay dhalan rogaayaane
43 Dhagta haddaad utaagtaana adow sii dhamaystiraye


44 Shareecada dhabtaa waa midii eebahay dhigaye 
45 Waa labo dhaboo aan lahayn wax udhexeeyaaye 
46 Jidka naarta lagu dheelmadoo lagu dhibaatoobo
47 Iyo kaa janada laga dhaxloo dheefta laga nuugo
48 Qofwaliba markii uu dhintoo ciida lagu dhoobo
49 Oo laga dhaqaaqaa su aal malag udhiibaaye
50 Hadii uu dhabcaal hore yahay oo xaqa ka dheeraaday
51 Isagoo dhirfaayaa qabriga la isku dhaafshaaye 
52 cadaabtuu kudhawraa intuu dhacayo suurkiiye
53  hadiise uu abaal hore dhigtay oo dhawrijirey diinta
54 isagoo dhool biraayuu jawaab horey udhiibaaye
55 qabrigaa waxaa looga dhigin daar dhamaystirane
56 janaduu kudhawraa intuu dhacayo suurkiiye
57 dhabaday kuwaa hore mareen haw dhawaanine.


wxaan tixdaan ka helnay maxamed muuse cabsiiye




Sunday, November 19, 2017

silsiladii samir badan iyo abwaan c.fitaax barre nuux

Suugaantaan wuxuu abwaanku uga qaybqaatay silsild ay samir badan oo ay isaga hal celiyeen abwaano soomaaliyeed waxayna ka waramaysa xaalada dalka iyo dhulka somalida
Dheehasho wacan waxan uu  abwaanku silsiladan ka qayb qaatay labadan maanso


Abwaan Cabdifitaax Barre Nuux
Qaybtii 2-aad


saaxiibkay rumaadow,
sarreeyow ma liicow,
kayse diin ma salalow,
adaa siinka curiyee,
marka hore salaan wacan,
ma saluugin dhoorana ,
wuu salaamanyahayoo,
abwaannada sarreeyuu,
safka hore ka galayaa,
marka xigga samaalow,
aan soodka dhiib tee,
suugaantaad bilowdaa,
xalay saamalaylkii,
saqdii dhexe mar ay tahay,
salaan iigu timidoo,
anna soo dhaweeyoo,
sidii socotadii baan,
saaxiib u sooraye,
sokeeyow ma nabad baa,
aan sifeeyo hadalkee,
nin samraa sadkii hela,
soomaali baa hore,
ku sifaysay maahmaah,
waxaan uga socdaa taa,
waxay waaya silicdoo,
la sargooyo ciribkeed,
seefuhu is jiiraan,
saqiirada la gowraco,
umulaha la saanyado,
qaxootigu sunsuma oo,
dibadaha sabbeeyaan,
mar bey sugab dalkoodii,


Dhamaad.


Abwaan C/fitaax Barre Nuux Qaybtii-6


Maansadan waatii suugaanta xirantey uu ku furay Abwaan C/fitaax Barre


Saaxiibaday rumaadow,
Ragga siinka curiyee ,
Ninba sowdka dhiibtow,
Marka hore salaam guud,
Marka xiga sokeeyow ,
Xaggayaga sareediyo ,
Waa seer ma waydee,
Maxaad saaka joogtaan?
Aan sifeeyo hadalkee
Ragow siinkaad curiseen
Suugaantaad tabiseen
Samir wada tiraahdeen
Way seeto furatoo
Soomaaliyoo idil
Shanta seer adduunyada
Meel ay ku sugantahay
Saamaysay guudkeed
Anna saaka qaybtay
Saaxiibaday rumaadow
Waa soo sagootiyay
Safar baan u raray dheer
Sahay baan u xiray badan
Hasheenii Samays baan
Caanaheeda suluxaa
Uga dhaanshay saytuux
Saddexdiina samahele
Ninba sabadkii uu dagay
Iyadaa salaamine
Qabta sadaradeedoo
Salka dhiga u fiirsada.
Aan sii sadcaaloo
Seefaha adkaystee
Ma ogtihiin sokeeyow
Sahankaynu diraniyo
Siinkaynu dhiibnaba
Sahaydoodii may dhumin
Rag sarreeya baa helay
Nin waliba sabeeniyo
Sumalluu ka gowracay
Sadbursina ma fiicnee
Saami bay u qaybsheen
Ninba subaxay joogtuu
Isagaan sal fududaan
Maanso aan saluugnayn
Mareegaha ku sayraa
Saaxiibaday rumaadow
Soomaali baa tiri
Miro sacabka kuu yaal
Intaad ciid ku saydhaan
Kuwo saran geed sare
Haw suul dhabaalayn
Waxaan uga socdaa taa
Adoo saafi qalanja ah
Gabar aan safkeed curan
Kula sugan aroos wacan
Sodoh uu rag kale qabo
Saqda dhexe habeenkii
Inaad soo salaantaa
Wax sawaaban weeyaan
Waxaan uga socdaa taa
Innagoo silsiladaan
Sayskeeda jeexnoo
Sarka dhaban ka dhowrnoo
Subageeda shiilnoo
Seefaha afaynoo,
Weli aan la seerayn
Xeryo samo ugbaad badan
Inaan teenna sayrnaa
Murti uu rag kale solay
Sallaamalay u boodnaa
Si kalleeto weeyaan
Ma ogtihiin safkeegow
Inuu siinka maansadu
Badahaa sunsumayiyo
Dabaylaha hawada sare
Joog sare ku duuliyo
Wax kastoo dunida suran
Sokeeyow ka badanyahay
Inaan siinka xoornaa
Rag kalleeto siinaa
Sooryadeeda diidnaa
Marti safar ka noqonaa
Sokeeyiyo xigaalow
Wax sawaaban weeyaan
Aan sii sadcaalee
Seefaha adkaystee
Danta guud sifeeyee
Waataan beri samaadkii
Innagoo hawada sare
Sidko dhalay ku maalnoo
Dadku samo ku noolyahay
Tiradoo sagaashana
Sulufka aynu kicinoo
Calankeenii siibnoo
Baddeenii sumaynoo
Qaxootiga sunsuminoo
Saqiiradii la gowracay
Sidii saancadii beri
Umulihii la saanyaday
Safka wada akhyaarow
Waa iga su’aal guud
Maxaan saaka haynaa?
Aan sii sadcaalee
Seefaha adkaystee
Abwaankii sarreeyiyo
Sangub baa mar hore yiri
Sacna waysha uu dhalo
Sanka kalama rooroo
Sidig kama jeclaadee
Sanadadaan waxaa dhacay
Wayshii baa sacii nacay
Sidig buu ka door biday
Sankuu kala ordaayaa
Aan saafo hadalkee
Ma ogtihiin sokeeyow
Dhalinteenii soomaal
Sabaankii xorroyadii
Inay seefo qaateen
Salabkooda boobeen
Gumaystihii ka saareen
Soomaaliyoo idil
Kuwa maanta noo safan
Samahele dhalaankii
Sinjigooda gaarka ah
Soomaali uu galay
Dalkooday saluugeen
Doonyaha sabbeeyey
Safar dheer ku raaceen
Yurub seeraheediyo
Saancadaynu beri hore
Dalkeenii ka saarnay
Darbigooda seexdaan
Suulka iyo faraha sare
Ma simaan afkoodoo
Dadkuna waa sidoo kale
Waxaan uga socdaa taa
Qaarbaa silloonoo
Dhagahay sareenoo
Sankay biro ku qaateen
Mindi iyo sakiin bay
Sunniyaha ku xiireen
Waa iga su’aal guud
Ma heleen samaan iyo
Xeeryo laysku sooriyo
Soo dhawayn walaalnimo
Camal sugan ma haystaan?
Ma sirqada caddaankay
Xafaayado ka siibaan?
Aan sii sadcaalee
Seefaha adkaystee
Danta guud sifeeyee
Dhaqankeenu waa sumad
Sooyaal gaar ahaaneed
Sifo aynu leenahay
Sal waxaan ahaan jiray
Gabdho laysa siiyoo
Ninka guur u saantaa
Yarad sooryo wacan iyo
Kadin sofa bixin jiray
Waxaan uga socdaa taa
Kol haddaan saluugnoo
Guumays surweel xiran
Suleekhadii ka dooranay
Ubadkay sidaan iyo
Sowjadaa shisheeyuhu
Ma Soomaali bay noqon?
Sarcad waalidkii dhalay
Sodog aabbe noo roon
Sodoh miyay inoo noqon?
Sagsaaguna ma fiicnee
Hilbo laysma saaree
Silic iyo dhibaatadu
Rag kaliya ma saarnee
Dumarkuna sidoo kale
Qaarbaa saqaafoo
Sararihii banneeyoo
Saraawiilna qaatoo
Sowracoodii diidoo
Sanka dhuudhi gaaloo
Sanku labo bakhaar yahay
Silis iyo dhagana xiran
Murqo seedo laga dhigay
Soomaalinimadiyo
Sunnihii ka doorteen
Saaxiibaday rumaadow
Waa iga su’aal guud
Sawaaxiliga keenyiyo
Jamaykaan silloon baan
Gabdhaheenii siinaye
Ma seeday inoo noqon?
Aan sii sadcaalee
Seefaha adkaystee
Danta guud sifeeyee
Sama hele dalkeenii
Suubanow dadkiisii
Sida maanta uu yahay
Murti lagu sifayn waa
Samahele raggeygow
Waxaan siinka kaga baxay
Maansadaan sadcaal iri
Sa’da aan la doorbiday
Murtidiyi sarbeebtaa
Sakalaha ha laga guro
Waa saad macaanoo
Saxar iyo bariiq layn
Saxiibkiin rumaad baa
Siigada ka mayroo
Cidna gaar u may samin
Su’aalaha is daba yaal
Sikhil haw malaynina
Safsafoo ujeedada
Subciyoo dhammeeyoo
Jawaabaheeda oo sugan
Safkiinaan sugaynaa


Dhamaad.




maanso : duq dhurwaa , abwaan jaamac nuux

Maanso (duq dhurwaa) curriye abwaan jaamac nuux muuse


Ninbaa awr damaaniyo
Dameer waa la haan jiray
Duq dhurwaaya baw yimi
Dabadeed la wada hadal
Wuxuu yiri ma daaloow
Awrkiyo dameerkaa
May daajinaysaa
Wuxuu yiri ma diirshoow
Adigu daacad baa tahay
Aniguna ducaysane
Laguu soo diraan ahay
Awrkiyo dameerkaa
Waan daajinaayaa
Hadiise ay diboodaan
Wax danbeeto hay dirin
Dabadeed lakala hoyay


Markuu waagu daalacay
Buu dareeriyoo yiri
Awrkiyo dameerkoow
Waan idiin digaayaa
Kiinii isoo daya
Ama daaqa geedaha
Ama cararahoo dida
Midkaasaan dilaayaa
Waxay sii dabnaadaan
Markii ay deegaankii
Dadku joogay dhaafeen
Dul cid la ah marayaan
Buu daayayoo yiri
Isir habar dugaagoow
Deg deg iigu soo shira


Dabadeed lawada yimi
Wuxuu yiri dugaagoow
Geel doora baan waday
Ana doorashaan rabay
Dabadeed lawada hadal
War maxaa inoo dana
Warka diirka laga qaad
Aarkii dabnaha xiray
Intii kale dugaagii
Waxa ay ku doodeen
Waan ku dooranaynaa
Adigaana noo duqa


Lagu daayay meeshii
Awrkiyo dameerkii
Waa xoolo daacade
Durba wayska laabteen
Dabadeeto aarkii
Wuxuu yiri dugaagoow
Ninkaad dooranayseen
Aaway daabaduuu waday?
Dabadeed la kala orod
Mise waa daleel maran
La doon doonyay lama helin
Shir deg dega la wada qabay
Caro laysla wada duub
Aarkii talada loo daa


Wuxuu yiri dugaagoow
Idin kaan dareemine
Mar horaan idiin digay
Duubka iyo shaalkii
Dusha aad ka saarteen
Waa inaad ka diirtaan
Dabadeed la soo yaac
Durba garayayoo fahan
Duulaan inuu jiro
Wuxuu yiri dugaagoow
Ma geelaan idiin diray
Baa lagu dagaalamay?


Wax la yiri dabaalyahow
Aaway duunyadaad tiri
Halkay daaqayaaniin
Baadhabaco dadaarkiyo
Dusha bay ka fuuleen
Daanyeerku laad iyo
Feer buu isugu daray
Oo yiri dabaalyhow
Maanigaa duq ii tahay
Dawacadaa mashxaradaa
Dawa dhacaya moodaa
Aarku waa dalbanayaa
Daban gaale iyo jiiri
Way daawanaayaan
Qosol baa durgaydii
Hadba doc u dhacaysaa
Dawacada mashxaradaa
Dawan dhacaya moodaa
Duubka iyo shaalkii
Markii ay ka diirteen
Bay kala dareereen


Haad duulayaw yimi
Tuke laba ka daymoo
Ma dareemin xuunshadu
Dabadeed isaga carar
Boorkiyo
dabayluhu
Markii ay 
dilaaceen
Buu daqaqaboo kacay
Wuxuu sii dukaacaba
Dabaa meel ka bilig yiri
Markuu soo dul joogsaday
Mise daacad baa shiday
Wuxuu yiri ma daaloow
Aaway daabadaydii
Miyay ka diboodeen?


Wuxuu yiri ma diirshoow
Awrkiyo dameerkii
Libaax baa dushaa dhigay
Anigana isoo dilay
Aan kuu duceeyee
Duunyada wixii haray
Neef iiga day day
Aad igu dabiibtaan


Dirin buu u dhigay meel
Xeraduu u dalaq yiri
Lax buu dibada soo dhigay
Dadkii way la yaabeen
Waxay dhaheen dabaalyahow
Ma awrkiyo dameerkaad
Tana ugu daraysaa?
Ina daaya buu yiri
Ma hungawdo daacadi?
Dabadeed maxaa dhacay
Dumarkiyo caruurtii
Sharqan bay dareemeen
Duleedkay ka laabteen
Awrkiyo dameerkii
Oo is daba jooga baa yimi
Farxad bay la daateen
Laxdii buu diyaarsaday


Digsi buu kusoo guray
Asagoo dabkow wada
Buu yiri ma daaloow
Dabka hayga saarine
Ii keen dur duriyee
Ninkii daacada ahaa
Markaas baa dareen galay
Darib iyo laf iyo jiir
Kala dooran maayee
Laftii duubu buu laqay
Uurka wax uma daadagin
Dibna wax uma soo noqon
Hungurigaa dalooliyo
Dalqaday fariisteen
Wax danbeeto kama dagin
Duq dhurwaa wixii helay
Dad badan bay sugaysaa
Ninkase duunyadiisii
Dabaxiirka raacsaday
Dabadeedna aaminay
Ma asagaa danbiila ah
Mise daalin ba helay?