Suugaantaan wuxuu abwaanku uga qaybqaatay silsild ay samir badan oo ay isaga hal celiyeen abwaano soomaaliyeed waxayna ka waramaysa xaalada dalka iyo dhulka somalida
Dheehasho wacan waxan uu abwaanku silsiladan ka qayb qaatay labadan maanso
Abwaan Cabdifitaax Barre Nuux
Qaybtii 2-aad
saaxiibkay rumaadow,
sarreeyow ma liicow,
kayse diin ma salalow,
adaa siinka curiyee,
marka hore salaan wacan,
ma saluugin dhoorana ,
wuu salaamanyahayoo,
abwaannada sarreeyuu,
safka hore ka galayaa,
marka xigga samaalow,
aan soodka dhiib tee,
suugaantaad bilowdaa,
xalay saamalaylkii,
saqdii dhexe mar ay tahay,
salaan iigu timidoo,
anna soo dhaweeyoo,
sidii socotadii baan,
saaxiib u sooraye,
sokeeyow ma nabad baa,
aan sifeeyo hadalkee,
nin samraa sadkii hela,
soomaali baa hore,
ku sifaysay maahmaah,
waxaan uga socdaa taa,
waxay waaya silicdoo,
la sargooyo ciribkeed,
seefuhu is jiiraan,
saqiirada la gowraco,
umulaha la saanyado,
qaxootigu sunsuma oo,
dibadaha sabbeeyaan,
mar bey sugab dalkoodii,
Dhamaad.
Abwaan C/fitaax Barre Nuux Qaybtii-6
Maansadan waatii suugaanta xirantey uu ku furay Abwaan C/fitaax Barre
Saaxiibaday rumaadow,
Ragga siinka curiyee ,
Ninba sowdka dhiibtow,
Marka hore salaam guud,
Marka xiga sokeeyow ,
Xaggayaga sareediyo ,
Waa seer ma waydee,
Maxaad saaka joogtaan?
Aan sifeeyo hadalkee
Ragow siinkaad curiseen
Suugaantaad tabiseen
Samir wada tiraahdeen
Way seeto furatoo
Soomaaliyoo idil
Shanta seer adduunyada
Meel ay ku sugantahay
Saamaysay guudkeed
Anna saaka qaybtay
Saaxiibaday rumaadow
Waa soo sagootiyay
Safar baan u raray dheer
Sahay baan u xiray badan
Hasheenii Samays baan
Caanaheeda suluxaa
Uga dhaanshay saytuux
Saddexdiina samahele
Ninba sabadkii uu dagay
Iyadaa salaamine
Qabta sadaradeedoo
Salka dhiga u fiirsada.
Aan sii sadcaaloo
Seefaha adkaystee
Ma ogtihiin sokeeyow
Sahankaynu diraniyo
Siinkaynu dhiibnaba
Sahaydoodii may dhumin
Rag sarreeya baa helay
Nin waliba sabeeniyo
Sumalluu ka gowracay
Sadbursina ma fiicnee
Saami bay u qaybsheen
Ninba subaxay joogtuu
Isagaan sal fududaan
Maanso aan saluugnayn
Mareegaha ku sayraa
Saaxiibaday rumaadow
Soomaali baa tiri
Miro sacabka kuu yaal
Intaad ciid ku saydhaan
Kuwo saran geed sare
Haw suul dhabaalayn
Waxaan uga socdaa taa
Adoo saafi qalanja ah
Gabar aan safkeed curan
Kula sugan aroos wacan
Sodoh uu rag kale qabo
Saqda dhexe habeenkii
Inaad soo salaantaa
Wax sawaaban weeyaan
Waxaan uga socdaa taa
Innagoo silsiladaan
Sayskeeda jeexnoo
Sarka dhaban ka dhowrnoo
Subageeda shiilnoo
Seefaha afaynoo,
Weli aan la seerayn
Xeryo samo ugbaad badan
Inaan teenna sayrnaa
Murti uu rag kale solay
Sallaamalay u boodnaa
Si kalleeto weeyaan
Ma ogtihiin safkeegow
Inuu siinka maansadu
Badahaa sunsumayiyo
Dabaylaha hawada sare
Joog sare ku duuliyo
Wax kastoo dunida suran
Sokeeyow ka badanyahay
Inaan siinka xoornaa
Rag kalleeto siinaa
Sooryadeeda diidnaa
Marti safar ka noqonaa
Sokeeyiyo xigaalow
Wax sawaaban weeyaan
Aan sii sadcaalee
Seefaha adkaystee
Danta guud sifeeyee
Waataan beri samaadkii
Innagoo hawada sare
Sidko dhalay ku maalnoo
Dadku samo ku noolyahay
Tiradoo sagaashana
Sulufka aynu kicinoo
Calankeenii siibnoo
Baddeenii sumaynoo
Qaxootiga sunsuminoo
Saqiiradii la gowracay
Sidii saancadii beri
Umulihii la saanyaday
Safka wada akhyaarow
Waa iga su’aal guud
Maxaan saaka haynaa?
Aan sii sadcaalee
Seefaha adkaystee
Abwaankii sarreeyiyo
Sangub baa mar hore yiri
Sacna waysha uu dhalo
Sanka kalama rooroo
Sidig kama jeclaadee
Sanadadaan waxaa dhacay
Wayshii baa sacii nacay
Sidig buu ka door biday
Sankuu kala ordaayaa
Aan saafo hadalkee
Ma ogtihiin sokeeyow
Dhalinteenii soomaal
Sabaankii xorroyadii
Inay seefo qaateen
Salabkooda boobeen
Gumaystihii ka saareen
Soomaaliyoo idil
Kuwa maanta noo safan
Samahele dhalaankii
Sinjigooda gaarka ah
Soomaali uu galay
Dalkooday saluugeen
Doonyaha sabbeeyey
Safar dheer ku raaceen
Yurub seeraheediyo
Saancadaynu beri hore
Dalkeenii ka saarnay
Darbigooda seexdaan
Suulka iyo faraha sare
Ma simaan afkoodoo
Dadkuna waa sidoo kale
Waxaan uga socdaa taa
Qaarbaa silloonoo
Dhagahay sareenoo
Sankay biro ku qaateen
Mindi iyo sakiin bay
Sunniyaha ku xiireen
Waa iga su’aal guud
Ma heleen samaan iyo
Xeeryo laysku sooriyo
Soo dhawayn walaalnimo
Camal sugan ma haystaan?
Ma sirqada caddaankay
Xafaayado ka siibaan?
Aan sii sadcaalee
Seefaha adkaystee
Danta guud sifeeyee
Dhaqankeenu waa sumad
Sooyaal gaar ahaaneed
Sifo aynu leenahay
Sal waxaan ahaan jiray
Gabdho laysa siiyoo
Ninka guur u saantaa
Yarad sooryo wacan iyo
Kadin sofa bixin jiray
Waxaan uga socdaa taa
Kol haddaan saluugnoo
Guumays surweel xiran
Suleekhadii ka dooranay
Ubadkay sidaan iyo
Sowjadaa shisheeyuhu
Ma Soomaali bay noqon?
Sarcad waalidkii dhalay
Sodog aabbe noo roon
Sodoh miyay inoo noqon?
Sagsaaguna ma fiicnee
Hilbo laysma saaree
Silic iyo dhibaatadu
Rag kaliya ma saarnee
Dumarkuna sidoo kale
Qaarbaa saqaafoo
Sararihii banneeyoo
Saraawiilna qaatoo
Sowracoodii diidoo
Sanka dhuudhi gaaloo
Sanku labo bakhaar yahay
Silis iyo dhagana xiran
Murqo seedo laga dhigay
Soomaalinimadiyo
Sunnihii ka doorteen
Saaxiibaday rumaadow
Waa iga su’aal guud
Sawaaxiliga keenyiyo
Jamaykaan silloon baan
Gabdhaheenii siinaye
Ma seeday inoo noqon?
Aan sii sadcaalee
Seefaha adkaystee
Danta guud sifeeyee
Sama hele dalkeenii
Suubanow dadkiisii
Sida maanta uu yahay
Murti lagu sifayn waa
Samahele raggeygow
Waxaan siinka kaga baxay
Maansadaan sadcaal iri
Sa’da aan la doorbiday
Murtidiyi sarbeebtaa
Sakalaha ha laga guro
Waa saad macaanoo
Saxar iyo bariiq layn
Saxiibkiin rumaad baa
Siigada ka mayroo
Cidna gaar u may samin
Su’aalaha is daba yaal
Sikhil haw malaynina
Safsafoo ujeedada
Subciyoo dhammeeyoo
Jawaabaheeda oo sugan
Safkiinaan sugaynaa
Dhamaad.
No comments:
Post a Comment