Sunday, November 19, 2017

tixo gabaya: cawad iyo nin kale

Gabay cawad cawdgale waxa uu ugu jawaabay nin  ismacil yonis ah oo ay suugaan wadaag ahaayeen


Idil geela kama qaadinoo eebe wow marage
Haddii aanan islaamada ka biqin kuma ilaaweene
Aanadayda waan bogon lahaa abay ma daayeene
Dadka nimaan adoogiis aqoon aabina aan daynin
Oo amar ka buuxaa jiroo wow aqoon xuma e
Edeb yeesha yaan ariga badan rag idin eedsiin


Kadib tixdaas waxaa Ku noqday ninkii ismaaciil yonis oo yiri


Irdaha yoonis waa wada ikhyaar
Oofi iyo shiikhe
Alla bariga eebada bir bay idil Ku maalane
Islaamaduba(1) waa guursadaan INA mahoodiiye


1)islaamuhu: reer islaanka Ku kawadaa muuse ciise


Cawad baa kusoo noqday markaas oo yiri


Irir iyo ogaadeenka sare nimanka ood wayne
Islaamadiyo reer ayl intii ehelka daarooda
Ingiriis amxaariyo intii ehel quraysheeda
Umaddii rasuulkiyo tan iyo xaawo iyo aadan
Abtirsiinyahaagii haddii uunka laga waayay
Nin aboodi dhalay baa tahoo aabe loo heline
Ma inaa gabar kusoo eebataa Kula abaarnaatay
Ka ag joogo SAA waxaa tihiin urug madoobaha e


Kadib ayadoo halkaas maraysa baa ninkii waxa uu tiriyay gabaygaan uu Ku maagayo gabdhaha cidda


Geelaaye garawaan gabdhaha joogo gurigooda
Guumaysyahoodaa intaan guur ka jiri naayo
Gayigaa ilaah waa badan yahee maan gar kale Aado


SAA cawad baa wuxuu ugu jawaabay


Geelaaye garawaan gabdha jooga gurigooda
Rag nimaan gayaankooda hayn Gogol ma siiyaane
Inay guursadaan waa horay guno ka dhaarteene
Geed dheer aboodiga ka baxa wax uma geeyaane
Adoogaaba gaydhiyo ma dhiqin maal wax kuu gala e
Waxa laba gulaalayn jidheen bahashii gaabnayde(2)
War hooy gabay maxaa kaaga Dana geed xun baa tahaye


(2)bahashii gaabnayd : waa dameerta buu ka wadaa


Waxaan ka helnay gabayadan cabdiqadir cawad muuse (gujiralle ha xafido e


Dhamaad.




No comments:

Post a Comment