Sunday, November 19, 2017

gabay : magaalada xareedley, abwaan jaamac nuux

Gabaygaan waxaa tiryay jaamac nuux xili ku aadan sida LA sheegay siteetameeyadii markaas oo uu joogay Qarxis waxaana uu u tiriyay sida aad ka dheehan kartidba gabdhihi magaalada ku noolaa waagaas


Magaalada xareedlay(1) gabdhaha Ku xaragoonaaya
Xigsad(2) iyo xariiriyo(3) yartaa xolada(4) mooyaane
Inta kale xaraashoo xamarna yey aadin
Aduunyada dameer xoog leh oon xiiqin baa badane
Xaabada u saaroo wadada xaalufka ah raaci
Oo yey iga xumaan waxaan rabaa inaan xaraashaaye
Waxaad sii xawaysaba markaad xeebta bari gaadhid
Xiji gurato kolay sita oo tuurta Ku xamaasha
Bad dhacaan xisaab kale aqoon ku xanib mooyaane
Oo xididtooyo qaadanahayoo xoolo bixinaaya
Xagoodaw kaxee waatay dhulkan xilo ka waayeene


1)magaalada Qarxis magacii hore oo LA dhihi jiray
2) magaca mid kamida gabdhihii ku noolaa magaalada waagas oo uu ka reebay abwaanku kuwa LA xaraashayo
3)sidoo kale
4)sidoo kle


Waxaan ka qornay axmed nuur maxamed dheere (ceeryaamoalle ha xifdiyo e


Dhamaad




No comments:

Post a Comment