Monday, November 20, 2017

gabay : dhalinyarada, abwaan jaamac nuux

Gabagaygaan wuxuu abwaan kula hadlayaa dhalin yarada


1 Dhalinyahay magaalada ku dhaqan dhuuxa hadalkayga 
2 u dhagyeesha oo gabaygu yuu sahal idiin dhaafin 
3 bal dhadhamiya taariikhdu way fiiro dheertahaye
4 dhadig iyo labood taladu waa idin dhextaalaaye
5 Nin waliba wuxuu horow dhaqduu dhaxal ka reebaaye 
6 Nina ari masoo dheelmo iyo dhogor yarrow geelle
7 Waxa aad ku dhididaysid waa dhigo tacliintaase


8 Dhar iskuul hadaad qaadatiyo maro dhalaalaysa
Waa inaad habeen iyo dharaar dhaga nuglaataaye 
10 Waa inaad duruustii ladhigay dhab u taqaanaaye
11 Hadalkaan dhadhamihayn dadkuu dhiilo galiyaaye
12 Waa inaad asluub dhawrsan iyo dhaqan lahaataye 
13 Waa inaad dhamaysaan dugsiga kan ugu dhaardheere
14 Ninah maalin kuma dheelmikaro dheeman iyo luule 
15 Waa inaad dhibaatada wakhtigaw dhabar adaygtaane
16 Waa inaad aqoonyahan dhaba oo dhiiran noqotaaye
17 Dugsi sare haddaad dhigatid ood dhaafi kariwaydid 
18 Dhaqaaluhu hadduu kugu yaryahay  dibada loo dhoofay 
19 Dhulka hooyo kii laga helaa lagu dhaqaaqaaye
20 Hadaydaan isdhigan waa uun baad ka dhaadhicine
21 Niyada ha iska dhumin waa aduun waxaad dhexjoogtaaye


22 Afartaa dhadda iyo wowga iyo dhii maka higaadshay 
23 Dhismihiisa meeshaan ku waday dhidibka maw taagay 
24 Dhalinyarada waxa dhowraya iyo dhaqankii maw sheegay 
25 Haddiise aan udhaadhaco waxay dhugatay laabtaydu


26 Dhalanteedka iyo beenta ay yurub ku dhoodayso
27 Tinta dhinaca laga xiiray oo fooda lagu dhaafay 
28 Dhaclahaa miskaha lagu xiray iyo caynka lagu dhuujay
29 Socodka iyo dhaqaaqa gacmaha laga dhugsiinaayo 
30 Dhaga faarka iyo yaabka iyo dhaqankan duugoobay
31 Diyaanadu dhibtay leedahay iyo tay na dhaxalsiisay 
32 Jirka dheeha laga qaadayoo laga dhamaynaayo
33 Dhaawacaa xubnaha gaaray iyo dhagarta loo gaystay 
34 Mar haduu difaacii is dhimo dhiigu waa halise 
35 Dharkayn iyo dhunkaal baa waxaan laga dharuuraaye
36 Dhacaan habartii caac weeye iyo dhagor ugaabdayse
37 Bahaluhuba way wada dhintaan kii dhadhamiyaaye 
38 Dhakhtarada aduunyada haddaan dhab ula sheekaystay
39 Ama aan u  dhuun galay cilmiga diinta laga dheehdo
40 Dhana kuma haboonoo kitaab dhigaya loo waaye
41 Haddaan la iska dhicin oo dagaal dhiiran lagu qaadin
42 Hidaheena iyo dhaqanka bay dhalan rogaayaane
43 Dhagta haddaad utaagtaana adow sii dhamaystiraye


44 Shareecada dhabtaa waa midii eebahay dhigaye 
45 Waa labo dhaboo aan lahayn wax udhexeeyaaye 
46 Jidka naarta lagu dheelmadoo lagu dhibaatoobo
47 Iyo kaa janada laga dhaxloo dheefta laga nuugo
48 Qofwaliba markii uu dhintoo ciida lagu dhoobo
49 Oo laga dhaqaaqaa su aal malag udhiibaaye
50 Hadii uu dhabcaal hore yahay oo xaqa ka dheeraaday
51 Isagoo dhirfaayaa qabriga la isku dhaafshaaye 
52 cadaabtuu kudhawraa intuu dhacayo suurkiiye
53  hadiise uu abaal hore dhigtay oo dhawrijirey diinta
54 isagoo dhool biraayuu jawaab horey udhiibaaye
55 qabrigaa waxaa looga dhigin daar dhamaystirane
56 janaduu kudhawraa intuu dhacayo suurkiiye
57 dhabaday kuwaa hore mareen haw dhawaanine.


wxaan tixdaan ka helnay maxamed muuse cabsiiye




No comments:

Post a Comment