Gabaygaan waxaa tiriyay AUN geele maxamed cowdgale
qisada uu Ku yimidna waxay ahayd sida LA sheegay in isagoo geel badan wata uu yimid barkad niman uu abaal badan Ku lahaa ay lahayeen ayna yiraahdeen geeloow ka cabi maysid ilaa lacag aad keentid Ama qarashka biyaha isla meeshii ayuu ka tiriyay tixdaan aan ka hayno intan yar oo kula gar naqsanayo
Ninwaliba dedii uu yahuu daymo leeyahaye
Anigaase daata u lahaa doorka maanta ah
Ninka waayo idin daadahshoo daalay baan ahaye
Dadaalkiina awgii waxaan deyrka uga booday
Dayax soo iftiimiyo waxaan waaga daaliciyey
Dacalkaan kusoo guray mirahaan doonay subaxdiiye
Waxaan mure kasoo duugijirey geel dadleeyahaye
Wan intaan idiin diley maxaan duulkale udiidey
Anba daynka waad iga qabtaan kumana doodeyne
Waxaa buug kudaabacan waxaan deeqo looheline
Docdaydii kasoo baxay walaal wa dadii hore
Anna daasadii aan cabaad igu darbayseene
No comments:
Post a Comment