Maanso (duq dhurwaa) curriye abwaan jaamac nuux muuse
Ninbaa awr damaaniyo
Dameer waa la haan jiray
Duq dhurwaaya baw yimi
Dabadeed la wada hadal
Wuxuu yiri ma daaloow
Awrkiyo dameerkaa
May daajinaysaa
Wuxuu yiri ma diirshoow
Adigu daacad baa tahay
Aniguna ducaysane
Laguu soo diraan ahay
Awrkiyo dameerkaa
Waan daajinaayaa
Hadiise ay diboodaan
Wax danbeeto hay dirin
Dabadeed lakala hoyay
Markuu waagu daalacay
Buu dareeriyoo yiri
Awrkiyo dameerkoow
Waan idiin digaayaa
Kiinii isoo daya
Ama daaqa geedaha
Ama cararahoo dida
Midkaasaan dilaayaa
Waxay sii dabnaadaan
Markii ay deegaankii
Dadku joogay dhaafeen
Dul cid la ah marayaan
Buu daayayoo yiri
Isir habar dugaagoow
Deg deg iigu soo shira
Dabadeed lawada yimi
Wuxuu yiri dugaagoow
Geel doora baan waday
Ana doorashaan rabay
Dabadeed lawada hadal
War maxaa inoo dana
Warka diirka laga qaad
Aarkii dabnaha xiray
Intii kale dugaagii
Waxa ay ku doodeen
Waan ku dooranaynaa
Adigaana noo duqa
Lagu daayay meeshii
Awrkiyo dameerkii
Waa xoolo daacade
Durba wayska laabteen
Dabadeeto aarkii
Wuxuu yiri dugaagoow
Ninkaad dooranayseen
Aaway daabaduuu waday?
Dabadeed la kala orod
Mise waa daleel maran
La doon doonyay lama helin
Shir deg dega la wada qabay
Caro laysla wada duub
Aarkii talada loo daa
Wuxuu yiri dugaagoow
Idin kaan dareemine
Mar horaan idiin digay
Duubka iyo shaalkii
Dusha aad ka saarteen
Waa inaad ka diirtaan
Dabadeed la soo yaac
Durba garayayoo fahan
Duulaan inuu jiro
Wuxuu yiri dugaagoow
Ma geelaan idiin diray
Baa lagu dagaalamay?
Wax la yiri dabaalyahow
Aaway duunyadaad tiri
Halkay daaqayaaniin
Baadhabaco dadaarkiyo
Dusha bay ka fuuleen
Daanyeerku laad iyo
Feer buu isugu daray
Oo yiri dabaalyhow
Maanigaa duq ii tahay
Dawacadaa mashxaradaa
Dawa dhacaya moodaa
Aarku waa dalbanayaa
Daban gaale iyo jiiri
Way daawanaayaan
Qosol baa durgaydii
Hadba doc u dhacaysaa
Dawacada mashxaradaa
Dawan dhacaya moodaa
Duubka iyo shaalkii
Markii ay ka diirteen
Bay kala dareereen
Haad duulayaw yimi
Tuke laba ka daymoo
Ma dareemin xuunshadu
Dabadeed isaga carar
Boorkiyo
dabayluhu
Markii ay
dilaaceen
Buu daqaqaboo kacay
Wuxuu sii dukaacaba
Dabaa meel ka bilig yiri
Markuu soo dul joogsaday
Mise daacad baa shiday
Wuxuu yiri ma daaloow
Aaway daabadaydii
Miyay ka diboodeen?
Wuxuu yiri ma diirshoow
Awrkiyo dameerkii
Libaax baa dushaa dhigay
Anigana isoo dilay
Aan kuu duceeyee
Duunyada wixii haray
Neef iiga day day
Aad igu dabiibtaan
Dirin buu u dhigay meel
Xeraduu u dalaq yiri
Lax buu dibada soo dhigay
Dadkii way la yaabeen
Waxay dhaheen dabaalyahow
Ma awrkiyo dameerkaad
Tana ugu daraysaa?
Ina daaya buu yiri
Ma hungawdo daacadi?
Dabadeed maxaa dhacay
Dumarkiyo caruurtii
Sharqan bay dareemeen
Duleedkay ka laabteen
Awrkiyo dameerkii
Oo is daba jooga baa yimi
Farxad bay la daateen
Laxdii buu diyaarsaday
Digsi buu kusoo guray
Asagoo dabkow wada
Buu yiri ma daaloow
Dabka hayga saarine
Ii keen dur duriyee
Ninkii daacada ahaa
Markaas baa dareen galay
Darib iyo laf iyo jiir
Kala dooran maayee
Laftii duubu buu laqay
Uurka wax uma daadagin
Dibna wax uma soo noqon
Hungurigaa dalooliyo
Dalqaday fariisteen
Wax danbeeto kama dagin
Duq dhurwaa wixii helay
Dad badan bay sugaysaa
Ninkase duunyadiisii
Dabaxiirka raacsaday
Dabadeedna aaminay
Ma asagaa danbiila ah
Mise daalin ba helay?
No comments:
Post a Comment