gabaygaan waxaa la yiraahdaa guddi waxaa uuna abwaan ku ugu garnaqay rag isku haystay gabar reer miyi ah oo badda usoo socdaashay kadib markii nin bada maaxa ah u faaninayay
inay soo laabato ayuu mid u sheegayay oo nimcada miyiga ayuu dhagaha ugu shubay iyo dhibaatada taal badda iyo xeebta ay maciinka biday
midka kalana waxaa uu lahaa oo doonayay inay joogto oo nimcada bada iyo xeebta ayuu u faaninayey dhibaatada miyiga ay kasoo tagtay taalayna waa xasuusinayay
gabaygaan abwaanku wuxuu ugu garnaqay labadaas nin wuxuuna kamid ahaa silsiladii bad iyo bari
gabay muunadiis waa inaad marin ku beegtaaye
madadaaladiis waa inaad madal ka sheegtaye
micnihiisu waa inuu cilmiga maanka ku hayaaye
sadexdaa midkii aan ahayn malaha maamuuse
meer meerka gaarigu hadduu kugula maansheeyo
adoo maqane jooga ah hadaad goolad soo mariso
oo aadan miisaami karin waa wax kaa maqane
maaraha shacayska ah ninkii wax is mahiibsiiya
iyo kii madfaca soo ridoo yeedha maqashiiya
midba wuxuu ka maanyaynayaa kuu markaa ridine
af libaax ninkii soo maraan lagu mahlaakaynin
oo yiri yaxaas miranayaan maqal kasoo laayay
shan maroodi inuu soo qabtuu maanka ku hayaaye
mir onkoday hilaac malaf yiroo dunida maansheeyay
miiraale roob oo arlada daadku mulacyeeyay
ninkii aan makaan adag lahayn dhaxani wow meel
wax kuu muuqanaayaa si kale loo matalayaaye
waxa mayrax laga diirayaa jiic maroorsamaye
mujtamacoo dhan baa waxa ku dhacay madax wareerka
musaawigaa iyo kaanbahaa kaasadii mariyay
macaantida badaa jiifta iyo lagama maarmaanka
meel kaliya kuma koobi karo kuman malaayiine
ninbase maamulkii uu bartuu magac ku yeeshaaye
marqaan gabadha joogtaad ku tiri mahado noo kaalay
mid iyo labo ma sheegine hadaan milicsadoo eegay
allaaba waa maslaxaday hesho iyo waxay macayshtaaye
hadii aysan meeshaa ku dhiman mahad ilaahay dheh
mallay baa baddaa laga gurtaa milicda jiilaale
oo shay macaan oo ilaah nooga dhigay miide
muddaase lagu bartaa ruux hadduu meel kasoo galo e
maaalmaha horeetaba haday muudsan kari waydo
inay maqasha kuu tuumisoo maalin kaa cararto
iyadoo madluun u eg inay magac kaa gayso
oo aysan muhanin baan maanka ku hayaaye.
muudaa miyaa tahay maxaa magacle kuu geeyay
meelaha kuwaa jooga iyo badaha miilkooda
marwo fiican baa kaga helaa muunadloo wacane
qaarbaa masayr galay markay maqashay giiskaah
iyadaan maciin ku bidaye gabar ka meelayso
maqsarna yay ku galin naag ka timi dhagaxii mooyaale
mayalkow adkee waa aduun meheradiisiiye
afartaa micnaayaye waxaan midig ka raacsiiyay
xoolaha magoolka ah hadaan mirar ma faaleeyo
abaar miratay jilaal mashraxa dunida maansheeyay
marti goor xun soconaysa iyo mudanihii haystay
mid hadii la qalo oo hilbaha miilka laga reebo
iyadoo maqsuuday hurdada wada murqaamaane
maraxii ka hara qaar kalaa maalintii cuna
maqaarkooda kaliyaa malyuun marar ka siistaaye
marse haddii meera dheeroow hayaan miigan lagu guuro
muusalaylka qaylada hadduu salowgu mooyaamo
maalin gaalku geedigu hadduu meelnah dagi waayo
mar baa la hojiyaa geel haddaad wadatid maantaane
maxastiyo caruurtii hadhaa muguc la siiyaaye
goortay magowshaanba way mahad naqayaane
magaalada hadaad soo gashoo maalmo badan joogtid
manfacaan aduunyada ku jirin malaha maamuuse
meel kaliya kuma koobi karo miida xoolaha e
matal waxaan usoo qaatay baa kuu marqaatiya e
afartaa micneeyaye waxaan midig ka raacsiiyay
ceelkii ma' wiya baa wadaan laga milaashaaye.
hashii maalistaada ogol baad murre la adaaye
madhayaca waxaa lala tagaa naag mardaafada e
mar haday magowsiga taqaan waa mashaqo wayne
haday meher la'aanta ogoshahay Wa mir kuma taale
marka horaba inaad raadisaa kuma macaanayne
dad dhanoo muftiyo shiikh leh iyo kuma maqaawiira
mid haddii la....... oo si kale wax u malaynaysid
marduuf jaada oo kale sidii kuuma muudsado e
adiguba waxaad maqashay baad mooyi leedahaye
ka masuugay magacaas inaan madal ka sheegaaye
maraan saaray xaalkaa inaan meesha laga qaadin
maraan saaray gabaygaa inaan meesha laga qaadin
dhamaad.
No comments:
Post a Comment